Mulkiilaha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Todd Boehly ayaa safar qarsoodi ah ku tegay waddanka Sucuudiga, halkaas oo uu qorshuhu yahay inuu wada-hadallo kula soo yeesho kooxaha horyaalka Sucuudiga oo uu ka xaraashayo dersin ciyaartoyda kooxdiisa ah.
Todd Boehly ayaa la sheegay inay kulmeen Michael Emanalo oo ah madaxa horyaalka kubadda cagta Sucuudiga, waxaanay ka sheekaysteen xiddigaha ay Blues doonayso inay iibiso iyo qiimeyaasha ay kaga xaraashayaan kooxaha Sucuudiga.
Chelsea oo toddobaadkii hore shaacisay inay sannadkii tegay khasaartay £90 milyan oo Gini, ayaa waxa la sheegay inay halis ugu jirto inay jabiso sharciga dhaqaalaha, waxaana laga doonayaa in ay qasnaddeeda ku shubto ugu yaraan £100 milyan oo Gini oo kaash ah inta ka horreysa dhamaadka bisha June.
Xiddigaha uu Todd Boehly doonayo inuu iibiyo oo uu ka sameeyo lacagta laga doonayo, ayaa waxa ka mid ah Romelu Lukaku iyo Kepa Arrizabalaga oo amaah ugu maqan AS Roma iyo Real Madrid.
Waxa kale oo ay chelsea qorshaynaysaa inay iibiso goolhaye Sanchez, Conor Gallagher oo diiday inuu heshiiska kordhiyo, Armando Broja iyo Trevoh Chalobah.
Horyaalka waddanka Sucuudiga waxa hadda ku sugan xiddigihii hore ee Chelsea ee N’Golo Kante, Edouard Mendy iyo Kalidou Koulibaly.