Leroy Sané, oo ah xiddig haatan katirsan Bayern Munich, ayaa ku soo baxay mid ka mid ah magacyada ugu kujira qorshaha Liverpool xilli ciyaareedka soo socda.
Iyadoo la xaqiijiyay in Mohamed Salah uu ka tagi doono Anfield dhamaadka ololahan, kooxda Ingariiska ayaa ka shaqeyneysa sidii ay u heli laheyd bedelkiisa oo tayo leh.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa u muuqda midka ugu macquulsan dhamaan magacyada lala xiriirinayo Liverpool.
Qandaraaska uu kula jiro Bayern waxa uu dhamaanayaa bisha June, taasoo la micno ah inuu si xor ah ugu dhaqaaqi karo Reds.
28 jirka garabka ka ciyaara ayaa ka soo dhalaalay waayihiisa Bundesliga isaga oo isku darsaday xawaare, iyo awooda uu ku abuuro khatar badan marka uu ka ciyaarayo garabka weerarka.
Sané ayaa horey kaga soo ciyaaray Ingariiska isagoo waqti ku qaatay Manchester City, halkaas oo uu guulo badan kula gaaray kooxda Guardiola hogaamiyo.
Arne Slot, ayaa hadda xoogiisa oo dhan isugu geyn doona sidii uu Sane ugu dhaqaajin lahaa Liverpool kadib bixitaanka Salah.