Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaaday kooxaha ugu qaalisan kubbada cagta adduunka, waxaana hubaal ah in natiijada ka soo baxday ay aad uga naxsan doonto qaar ka mid ah jamaahiirta kubbada cagta.
Kadib suuqii xagaaga ee xamaasadda badnaa – kaas oo ay kooxaha Premier League ku kharash gareeyeen in ka badan £1.75 bilyan oo gini ciyaartoy cusub – kooxo badan oo xiddigo leh ayaa la isugu keenay.
Kooxaha waa weyn ee Yurub sida Real Madrid, Bayern Munich iyo PSG ayaa sidoo kale suuqa u galay si ay wax ugu soo kordhiyaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxahan ayaa la geliyay liis qeexan si ay u muujiyaan kooxda inta ugu badan ku bixisay dhinacooda.
Daraasadu waxay soo bandhigtay 100-ka kooxood ee adduunka ee ku kacay lacagta ugu badan ee khidmadaha xawilaadda si ay u qoraan xubnaha kooxda ay hadda joogaan (labadaba si joogto ah ama amaah ah).
Waxa xiisaha lihi ayaa ah in kooxda difaacanaysa Premier League ee Manchester City ay ka hoosayso kaalinta kowaad, taa beddelkeedana, waxay isu arkaysaa inay kaalinta saddexaad ku jirto iyada oo wadarta guud ee £856 milyan ginni (oo u dhiganta €1.017 bilyan oo euro) ku bixisay dhismaha kooxdeeda.
Halkan ka akhriso 20ka koox ee ka modka ah 100ka koox ee ugu qaalisan.
- Chelsea – £1.06b (€1.28b)
- Man United – £874m (€1.038b)
- Man City – £856m (€1.017b)
- Arsenal – £672m (€798m)
- Tottenham – £663m (€787 M)
- PSG – £650m (€772m)
- Liverpool – £619m (€735m)
- Real Madrid – £606m (€720m)
- Newcastle – £575m (€683m)
- Juventus – £527m (€626m)
- Bayern Munich – £495m (€588m)
- Atletico Madrid – £417m (€496m)
- Al-Hilal – £408m (€485m)
- Aston Villa – £400m (€475m)
- Barcelona – £388m (€461m)
- Brighton – £364m (€433m)
- Wolves – £358m (€426m)
- West Ham – £348m (€414m)
- RB Leipzig – £345m (€410m)
- Nottingham Forest – £335m (€398m).