Ruben Amorim, tababaraha cusub ee Manchester United, ayaa qorsheynaya isbeddel weyn oo kooxdiisa ah xagaaga soo socda, iyadoo ilaa 10 ciyaartoy oo waaweyn laga yaabo inay kooxda ka tagaan.
Amorim wuxuu ku talo jiraa inuu koox cusub oo xooggan dhiso si uu u horumariyo qaab ciyaareedka kooxdiisa, iyadoo ciyaartoy dhowr ah ay qorsheynayaan in la iibiyo si loo helo lacag lagu maalgeliyo saxiixyo cusub.
Ciyaartoyga Laga Yaabo Inay Ka Tagaan Manchester United:
1. Marcus Rashford – In kasta oo uu yahay xiddig muhiim ah oo kooxda ah, qaab ciyaareedkiisa aan degganayn ayaa su’aal gelin karta mustaqbalkiisa Old Trafford.
2. Antony –Inkastoo uu yahay Saxiix waqti dhow, Qaab ciyaareedkiisa liita iyo dhaawacyadiisa soo noqnoqday ayaa keeni kara in la iibiyo si loo helo beddel ka wanaagsan.
3. Victor Lindelof – Inkasta oo uu yahay daafac khibrad leh, wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda laga yaabo in la iibiyo si loo cusbooneysiiyo qaab difaacashada kooxda.
Waxaa sidoo kale la filayaa in ciyaartoy kale oo qandaraasyadooda uu dhamaad yahay la iska fasaxo maadaama aysan ku habboonayn qorshaha tababaraha.
Shaw,Martinez,Casemiro,Garnacho,Mount,Evans iyo Maguire waa ciyaartooyda kale ee arrintan ay saameeyn doonto.
Amorim wuxuu qorsheynayaa in kooxdu ay yeelato saf cusub oo awood leh, taas oo u baahan doonta ciyaartooy isku dhaf ah oo tayo sare leh iyo ka takhalusidda kuwa aan la jaanqaadi karin himilooyinka cusub ee kooxda.